Hoggaamiyaa Kuuriyad Waqooyi Kin Jong Un, ayaa kormeeray tijaabada ridida laba gantaal oo cusub oo difaacada hawada ah sid ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Hubku wuxuu lahaa “awood dagaal oo heer sare ah” wuxuuna adeegsaday “tiknoolajida gaar ah”, Wakaaladda Wararka ee dalkaas ee KCNA, ayaa sidaas sheegtay iyadoon wax faahfaahin.
Riditaanka ayaa dhacday sabtidii, ayaa “caddeysay in astaamaha tiknoolajiyadeed ee laba nooc oo gantaallo ah ay aad ugu habboon yihiin burburinta bartilmaameedyada kala duwan ee hawada sida diyaaradaha drone-ka iyo gantaalada cruise,” sida ay KCNA sheegtay.
Tijaabada ayaa timid saacado ka dib markii Kuuriyada Koonfureed xaqjiisay inay riday dabric digniin ah talla
Tijaabada ayaa timid saacado kadib markii Kuuriyada Koonfureed ay xaqiijisay inay salaasadii rasaas digniin ah ku ridday askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo muddo kooban ka tallaabay aagga militariga ka caaggan ee kala soocaya waddamada.
Taliska Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ilaa 30 ka mid ah ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ka gudbeen xadka sida adag loo ilaaliyo ee u dhexeeya waqooyiga iyo koonfurta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Pyongyang ayaa ka jawaabtay iyada oo ku eedaysay Seoul “daandaansi ula kac ah”.
Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa gobolkaasi wadajir ugu wada dhoolatus militari oo ballaaran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Lee Jae Myung shir madaxeedka Isniinta ka dhacaya magaalada Washington.